AF-SOOMAALI

Abaaraha Puntland oo sii xoogeysanaya iyo Shacabka oo Wada Abaabullo Gargaar


Abaaro aad u daran, ayaa ka jira Qaar ka mid ah deegaanno ka tirsan goballada Puntland, waxaana jira qaylo-dhaan kasoo yeeraysa dadka ay abaaruhu sameeynta ku yeesheen, kuwaasoo u badan kuwo ku xoollo beelay abaarahan.

Warbixino ay soo saareen hay’adaha ka shaqeeyaya Gar-gaarka bani’aadamnimo ayaa lagu sheegay in tiro badan 500,000 oo qof oo ku sugan Deegaannada kala duwan ee Somalia ay wajahayaan xaalad khatar ah sababo la xiriira abaaraha daran ee dalka ku dhuftay.

Dadka ay abaaraha ka jira Somalia ay sida gaarka ah u saameeyeen ayaa ah Reer-guuraaga oo qaybo ka mid ah xoolahoodii ay ka dhamaadeen iyo dad kale oo sanado ka hor ku dhex-barakacay dalka kaddib dagaaladii sokeeye ee ka dhacayay qaybo ka mid ah Soomaaliya.

Sidoo kale, Abaartaan ka jirta deegaanada Puantland oo ah mid aad u balaaran ayaa waxaa hadda ku xoolo beelay qoysas fara badan, iyadoo la dareemayo gaabis kaalmada caalamiga ah, inkastoo culumada iyo bahda Waxbarashada ay sameynayaan gurmad inta ay awooddoodu tahay.

Ardayda dhigta Dugsiga sare ee Gambol ee Garoowe oo kooxo isku qaybiyay ayaa maanta waxaa la arkayay iyadoo gaaracaya albaabada xaafadaha Garoowe, si ay Dadweynaha ugu baraarujiyaan heerka ay abaaruhu marayaan, kana qaadayay Qof walba wuxuu Awoodo oo gargaar ah.

Dhinaca kale, Wasiirka Ganacasiga iyo Warshadaha Puntland, C/weli Xirsi Indha-guran oo dhiniciisa saxaafadda kula hadlayay Degmada Garoowe ayaa Ganacsatada ugu baaqayn in kaalinta kaga aaddan ay ka qaataan gurmada abaaraha loogu jiro, isagoo xusay in shacabka iyo dowladaba looga baahan yahay inay inay dadka caawiyaan xilliyada adag.

Ugu dambeyn, Abaaraha Sannadkaan ka jira Somalia ayaa lagu waramayaa in ay saameyn xooggan ku yeesheen dad tiradoodu gaarayso hal milyan qof, kuwaasoo la sheegayo inay u baahn yihiin gargaar deg-deg ah.