AF-SOOMAALI

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Bogaadiyay Ciidamo loo diyaariyay in Al Shabaab la dagaalamaan


Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa booqasho bogaadin ah ugu tagay Ciidamo cusub oo loo tababaray maamulka Jubbaland, kuwaa oo ku sugan Xeradii hore ee Ciidamada Cirka ee ma dhamaato ee magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa ciidankan cusub ku booriyay in ay u diyaar garoobaan difaaca dadkooda iyo deegaankooda, waxa uuna u sheegay in ciidankan qeyb ka yihiin ciidamo loogu tala galay in Al Shabaab ka saaraan deegaanada Jubbalad.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay ciidankan sida ay ugu dul qaadanayaan xaalada adag ee dalka ka jirta, waxa uuna u balan qaaday in ay garab istaagi doonaan ciidankan ayna ku dadaali doonana sidii xaquuqdooda u heli lahaayeen.

Ciidamadan cusub ee loo tababaray maamulka Jubbaland iyo ciidamo kale oo horey u xareesnaa ayaa la sheegay in loo diyaarinayo howlgal ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo wali maamusha deegaano badan oo hoos taga maamulka Jubbaland.