GLOBAL NEWS

21 ruux oo ku geeriyooday Weeraro kala duwan oo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya


Laba weerar oo siyaabo kala duwan Sabtidii shalay ahayd uga dhacay Koonfurta Somalia ayaa lagu dilay in ka badan 21-ruux, waaxana lagu dhaawacay in ka badan 30-qof oo kale.

Iska-horimaad ka dhacay duleedka degmada Kismaayo ayaa lagu dilay ugu yaraan 15 qof, iyaoo lagu dhaawacay 25-kale, kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen xero lagu tababaro ciidamada, halkaas saldhig u ah hadda ciidamada maamulka Jubbaland.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Jubbaland, Jen. Maxamed Warsame Darwiish ayaa u sheegay VOA-da in Al-shabaab ay ciidamadooda ku soo qaadeen weerar gaadmo ah ayna iska difaaceen, isagoo sheegay in lix ka mid ah xoogaggii Al-shabaab ay dileen, iyagana ay kaga dhinteen weerarkaas sagaal askari.

Xerada ciidamada ee la weeraray ayaa waxay ka baxsan magaalada Kismaayo qiyaastii 7-KM, waxayna aad ugu dhow-dahay saldhigga ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ee Somalia – AMISOM.

Dhanka kale, Weerarro siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug shalay iyo xalay ayaa lagu dilay toddoba qof, kuwaasoo u dhexeeya koox weeraray saldhig ay ciidamada Puntland ay ku leeyihiin Gaalkacyo kaasoo dhaliyay iska-horimaad, waxaana ku dhaawacay in ka badan 10-qof oo kale.

Xalay ayaa dhanka lagu dilay magaalada Gaalkacyo afar qof oo la socday nin dhaawac ah oo loo waday Isbitaalka guud ee Gaalkacyo, kaddib markii rasaas lagu furay gaarigii ay la socdeen, waxaana la sheegay in dilkan ay geysteen ciidamada maamulka Puntland.

Ugu dambeyn, weerarradan ayaa la rumeysan yahay inay yihiin kuwo salka ku haya dad laga kiciyay xaruntii wasaaraddii hore ee shaqada ay Gaalkacyo ku lahayd, halkaasoo hoy u ahayd dad shacab ah tan iyo sannadkii 1991-kii oo ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.