Mukhtaar Rooboow oo shaaciyay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed

Mukhtaar Rooboow Cali Abuu- Mansuur oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya..

Rooboow ayaa sheegay in go’aankan uu qaatay ee ah in uu isku soo taago qabashada xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ka danbeysay codsi sida uu hadalka u dhigay ay u soo jeediyeed qaar ka mid ah dadka reer Koonfur Galbeed.

Baydhabo waxaa ka soconaya shirar iyo kulamo kala duwan oo ay halkaa kula leeyihiin qeybaha bulshada musharixiinta u tartameysa xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed dabayaaqada sanadkan.

Dadweynihii soo dhaweyntiisa isugu soo baxay ayuu u sheegay sababta uu isku soo sharaxay inay ka dambeysay kadib markii uu codsi uga yimid dad badan oo ka soo jeeda degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Dadka taageersan Rooboow ayaa marka aad la sheekeysato waxaa ay kuu sheegayaan in ay u arkaan shaqsi waqtigan adag maamulka Koonfur Galbeed hoggaamin kara, gaar ahaan dagaalka ka dhanka Al-shabaab oo ay Rooboow u arkaan in uu yahay qof kaliya ee ku guuleysan kara madaama uu horay uga mid ahaa saraakiisha sar sare ee Ururkaas.

Leave a Reply

avatar
  Subscribe  
Notify of
error: Content is protected !!