Warbixin Xasaasi ah : Muxuu galabsaday oo loo dilay marxuum Axmed Dowlo

Waa dhacdo naxdin leh oo dhinaca kale ku tuseysa heerka uu gaarsisan yahay arinka ku saabsan heyb sooca iyo in qofka lagu faquuqo Qabiilka uu ka soo jeedo Soomaalida dhaxdeeda.

Marxuum Axmed Mukhtaar Saalax [Axmed Dowlo] ayaa nafiisa ku waayay arin la xiriirta jaceyl iyo guur dhaxmaray wiil uu adeer u ahaa iyo gabar aysan isku heyb aheyn oo ehelkeeda u arkeen in uusan geynin wiilka ay gaclootay ee uu guurku dhaxmaray.

Falkan oo ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahan xaafadda Towfiiq ee degmada Yaashiid ayaa Axmed Dowlo waxaa weerar ku soo qaaday xili uu ku sugnaa goobtiisa shaqo ee farsamada gadiidka koox rag iyo dumar isugu jiray oo sitay Baankado iyo Basiin kuwaa oo la sheegay in ay isku heyb ahaayeen Gabadha ay is jeclaadeen wiilka uu adeerka u ahaa marxuumka.

Waxaa ay ehelada marxuum-ku sheegeen in kooxda dilka geysatay ay ka koobnaayeen Shan ruux oo saddax ka mid ah haween ahaayeen, isaga oo naftiisa ku waayay arin la xiriirta ‘’Heyb Sooc Guur’’

‘Si kadis ah ayeey u soo weerarreen marxuumka, markii uu ogaaday in isaga loo socdo waxaa uu damcay in uu guriga ka galo uu albaabka ka soo xirto, laakiin intii uusan gaarin halkii uu gabaadka ka dhigan lahaa kooxdii ayaa ku bilaawday in ay Bankaado la dhacaan, ilaa  ay nafta ka qaadeen, iyaga oo markii danbe-na meydkiisa gumay ayuu yiri” goobjooge ku sugnaa halka uu falka ka dhacay.

Ugaaska beesha uu ka soo jeedo marxuumka dhintay ayaa sheegay in arinta ku saabsan wiilka iyo gabadha is calmaday muddo dheer-ba soo jiitameysay, balse markii danbe Gabadha Adeeradeed ogolaadeen Guurka, hasse ahaatee waxaa arintaa ka biyo-diiday oo ka soo horjeestay Hooyada dhashay Gabadha oo la sheegay in ay isku heyb ahaayeen dadka dilay marxuumka Axmed Dowlo oo ahaa Aabe ka tagay 12 carruur ah iyo labo Xaas

Meydka marxuumka ayaa la dhiggay xarunta dambi bariste ee CID-da, sida ay sheegeen qaar ka tirsan eheladiisa oo dalbaday in ay cadaaladda hellaan.

Dilalka noocan ah ee laga argagixo ayaa waayadii ugu danbeeyay ahaa kuwo ku soo badanayay magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayeey aheyd markii deegaanka Sarkuusta ee dulleedka Muqdisho uu Nin ku dilay Xaaskisa oo u dhashay 7 Carruur ah, inkastoo markii danbe la sheegay in uu ahaa qof madaxa looga jiray ama waalnaa.

Leave a Reply

avatar
  Subscribe  
Notify of
error: Content is protected !!