Madaxweyne Farmaajo oo booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xiligan wada hadalo kula leh xarunta Wasaaradda Gaadhaandhiga saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Booqashada madaxweynaha ee xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa imaneysa xili dhawaan dowladda Mareykanku shaacisay in ay joojisay dhaqaalihii ay ku bixin jirtay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Warbixin lagu daabacay Reuters lagu sheegay in sababaha joojinta dhaqaalihii la sii jiray ciidamada xoogga dalka lala xiriirinayo musuq maasuq iyo wax is dabmarin.

Laakiin Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo shir jaraa’id qabtay ayaa tallaabada uu Mareykanku qaaday ku sheegay mid ay  dowladda la ogeyd.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr jeer oo hore u booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo bil ka hor uu tagay xaruntaas.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonaaa…

Leave a Reply

avatar
  Subscribe  
Notify of
error: Content is protected !!