Wasiir Dr Maryan Qaasim oo iska casishay xilkii ay ka heysay xukuumadda Soomaaliya

Waxaa goor dhaw xilkii wasiirka Maareynta Masiibooyinka xukuumadda Soomaaliya iska casishay Dr Maryan Qaasim, iyadoo noqoneysa Wasiiradii labaad oo is casishay muddo labo bil gudahood.

Wasiirrada ayaa la sheegay in ay is casilaadeeda u gudbisay wasaarrada islamarkaana ay dhawaan faah faahin doonto sababaha ay isku casishay.

Lama oga ilaa sababta ay isku casishay Wasiirada, hasse ahaatee warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in maalmihii ugu danbeeyay uu jiray khilaaf ka dhashay Maareynta Masiibadii ka dhalatay Qaraxii Zoobe.

Laakiin Qoraal kooban oo ay soo dhigtay Bogga Twitter –ka ayeey ku sheegtay in ay shaqada uga tagtay daruufo iyada oo u gaar ah.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa.

Leave a Reply

Be the First to Comment!

Notify of
avatar
wpDiscuz
error: Content is protected !!