Madaxweyne Farmaajo oo maanta saxiixay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa maanta munaasabad lagu qabtay xarunta madaxtooyada saxiixay sharciga isgaarsiinta Qaranka oo ay soo diyaarisay wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta.

Munaasabada heshiiskan lagu saxiixay ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha Aqalka Sare, Kusimaha Guddoomiyaha Golaha shacabka, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka, Xildhibaano iyo bulshada rayidka.

Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabada ayaa uga mahad celiyay wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta soo diyaarinta sharcigan oo uu ku tilmaamay mid aan sahlaneyn oo waqti badan la galiyay.

‘’Sharcigan ma’aha wax sahlan waayo shaqo aad u faro badan ayaa la galiyay, waana mid muhiim u habka is gaarsiinta dalka, waanan uga mahad celineynaa dhamaanba dhinacyadii ka qeybqaatay soo diyaarintiisa’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Sharciga Isgaarsiinta ayaa muddo fog hor-yaalay Baarlamaanka, iyadoo marxalado kala duwan soo maray, hase ahaatee baarlamaanka 10aad ayaa ku guuleystay in uu meel mariyo sharcigan.

Waxaa munaasabada laga akhriyay faafinta rasmiga ah ee Madaxweynaha ka soo saaray sharcigan oo noqonaya mid dhaqan galaya wixii maanta ka dambeeya.

Leave a Reply

Be the First to Comment!

Notify of
avatar
wpDiscuz
error: Content is protected !!