Farmaajo“Dr. Cabdiraxmaan waxa uu daadaal iyo wakhti dheer galiyey kobcinta xiriirka Soomaaliya iyo caalamka”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo habeen hore ku geeriyooday Magaalladda San Diego ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Marxuum Cabdiraxmaan diblumaasi ruug cadaa ah oo daadaal iyo wakhti dheer galiyey kobcinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Caalamka.

“Alle ha u naxariistee, Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Barre waxa uu ahaa shakhsi muddo dheer usoo shaqeeyey dalka. Marnaba ma ilaawi doonno kaalinta uu ka qaatay kobcinta maqaamka iyo magaca Soomaaliya ay ku leedahay caalamka.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Marxuum Cabdiraxmaan ayaa dowladdii dhexe kasoo qabtay xilal kala duwan sida Ra’iisul Wasaare K/xigeen, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo muddo kor u dhaafaysa 10 sano uu soo hayey xilkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marxuumka Alle uga baryey naxariis iyo dambi dhaaf, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Alaha u naxristee marxuumku waxuu ku dhashay magaalladda Luuq ee gobolka Gado 1937dii. Waxuu waxbarasho sare ee heer jaamacdeed ku Soo dhameeyay Dalka Talyaaniga horaantii 60kii Jaamacada Padua ee Dalka Talyaaniga. Waxaa sanadkii 1970kii loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaarada arimaha dibada ee Soomaaliya, kadibna july 1977 ayuu noqday wasiirka wasaarada arimaha dibada.

1987kii ayaa loo magaacay Wasiirka Maaliyada iyo Lacagta xiligaas oo dalka saameeyay dhaqaalo la’aan iyo sacir barar , isla sanad kadib markii wax laga qabanwaayay dhibaatadii dhaqaale ee dalka ayaa dib loogu celiyey wasaaradii Arimaha Dibada ilaa dalka uu ka burburay.

Waxuu ifka uga tagay 15 qof oo isagu jira waxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen.

Leave a Reply

Be the First to Comment!

Notify of
avatar
wpDiscuz
error: Content is protected !!