Madaxweyne Farmaajo & wafdigiisa oo si diiran loogu soo dhoweeyey Kambala

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Booqashadan ayaa ka dambeysay kaddib markii uu casuumaad rasmi ah uu ka heley dhigiisa Uganda Yoweri Museveni.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda oo booqashada ay qaadan doono muddo labo cisho ah ayaa inta uu ku sugan Uganda, waxa uu kulan la qaadan doonaan dhigiisa Dalka Uganda Yoweri Museveni.

Waxay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada.

Waa markii ugu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu booqasho ku tago dalka Uganda tan iyo markii xilka loo doortay afar bilood ka hor, waxaana xusid mudan in Ugandha ay tahay dalka ciidamada ugu badan ku leh howlgalka Midowga afrika uu ka wado Somalia ee AMISOM.



Leave a Reply

Be the First to Comment!

Notify of
avatar
wpDiscuz
error: Content is protected !!