Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo si diiran loogu soo dhoweeyey Turkiga, kulana la qaatay dhigiisa dalkaas

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo shalay gaaray magaalada Istanbul ayaa waxaa si diiran u soo dhoweeyey dhigiisa waddanka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Farmaajo iyo Erdogan ayaa salaam sharaf ka qaatay ciidamada baambeyda dalkaas iyadoo la garaaacay muusika astaanta u ah labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa intaas ka dib kulan qaatay iyagoo ka wada hadlay xiriirka iyo Iskaashiga ka dhaxeeya Waddamada ee Turkiga iyo Soomaaliya.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta booqday Aqalka Baarlamaanka waddanka Turkiga., wuxuuna la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee wadankaas.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Turkiga Ismail Kahraman ayaa ka wada hadlay Arrimo dhowr ah oo quseeya xiriirka labada dal.









Leave a Reply

Be the First to Comment!

Notify of
avatar
wpDiscuz
error: Content is protected !!