Axmed Mdoobe oo la kulmay madaxweynaha dhawaan la doortay ee DF Soomaaliya

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Max’ed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayeey labada mas’uul uga wada hadlleen arimo la xiriira gaar ahaan guusha uu Farmaajo ka gaaray doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho.

Axmed Mdaoobe ayaa taageero balaaran u muujiyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxa uuna u balan qaaday sida aan wararka ku heleyno in wada shaqeyn dhaw la yeelan doono Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumada uu soo dhisi doono.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ahaa Hogaamiyaha kaliya ee ka maqnaa magaalada Muqdisho xiligii ay doorashada socotay, waxaana Madaxda kale maamul goboleedyada ay ahaayeen kuwa u dhae dhigtay u ololeenta qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweyne.

Ugu danbeyntii, Axmed Madoobe oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa u yimid ka qeyb galka caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo lagu wado in maalinta berito ah lagu qabto magaalada Muqdisho ayna kasoo qeyb galaan madax kala duwan.

Leave a Reply

Be the First to Comment!

Notify of
avatar
wpDiscuz
error: Content is protected !!