Mid ka mid ah Taliyeyaasha Ciidamada Millateriga Soomaaliya oo lagu Dilay Qarax Is-miidaamin ah

Taliyihii Guutada Saddexaad ee Millateriga Somalia, Jen. Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaanle) iyo ilaaladiisii qaarkood ayaa goor-dhaweyd lagu dilay Qarax ismiidaamin ah oo lagula beegsaday illinka Xerada Guul-wadayaasha oo ku dhaw dhismaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in gaari qarax laga soo buuxiyay lala beegsaday baabuurkii uu saarnaa Jen. Goobaale, sidoo kalena waxaa weerarkan ka dhashay khasaare dhaawacyo ah, kuwaasoo soo gaaray ciidamadii la socday.

Sidoo kale, Jen. Goobaanle uu u dhintay dhaawac soo gaaray, iyadoo dhaawacyadii ka dhashay weerarkan la dhigay Isbitaallada Muqdisho qaarkood, iyadoo taliyahaan uu ka hawl-galayay sannadihii dambe Gobolka Shabeellada Hoose.

Ugu dambeyn, Ma jiro cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaase Qaraxadan oo kale sheegata Al-shabaab, iyadoo mas’uuliyiinta ciidanka xoogga Dalka Somalia aysan weli ka hadlin weerarka lagu dilay sarkaalkan.

Leave a Reply

Be the First to Comment!

Notify of
avatar
wpDiscuz
error: Content is protected !!