Hoggaamiyeyaasha Waddamada Kenya, Uganda iyo Itoobiya oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynayaasha Dalalka Kenya, Uhuru Kenyatta, Uganda Yoweri Museveni iyo R/wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyagoo ka Qayb-galaya Shir-madaxeedka IGAD oo markii ugu horreysay lagu qabanayo maanta Soomaaliya.

Sidoo kale, Waxaa la fliayaa inay goor-dhaw iyaguna soo gaaraan Muqdisho Mas’uuliyiin kale oo ka socda waddamada IGAD, iyadoo wararku ay sheegayaan in diyaaraddii Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle siday ay cilad awgeed uga laabatay hawada Soomaaliya, inkastoo aysan dowladda Somalia arrintaas weli ka hadlin.

Wufuuddan ka socda Itoobiya, Kenya iyo Uganda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo Dhaweeyay Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Dowladda Somalia oo uu ka mid yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale, Hoggaamiyeyaashaan oo ay kasoo horreeyeen Wasiirradooda Arrimaha Dibadda ayaa la geeyay Hoteelka Peace oo ku dhaw Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo uu ka dhacayo shir-madaxeedka IGAD.

Ugu dambeyn, Shir Madaxeedka IGAD ayaa lagu wadaa inuu goor-dhaw ka furmo Muqdisho, iyadoo loo hadli doono arrimo ay ka mid yihiin Doorashooyinka la filayo inay Sannadkaan ka dhacaan Soomaaliya iyo Xaaladda qaska ah ee ka taagan Waddanka Koonfurta Suudaan

Leave a Reply

Be the First to Comment!

Notify of
avatar
wpDiscuz
error: Content is protected !!