Guddiga Qaban-qaabada Aaska Marxuum Maxamed Cali Samatar oo Kulan ku yeeshay Muqdisho

Ku-simaha madaxweynaha Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ahna Guddoomiyaha Baarlamanka federaalka Somalia ayaa maanta kulan la yeeshay guddiga Qaban-qaabada Aaska qaran ee Muqdisho loogu sameynayo Allaha u Naxariistee Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somalia, Jen. Maxamed Cali Samanar.

Prof.  Jawaari, ayaa sheegay in Hawsha Qaban-qaabada Aaska Qaran ee Jen. Samatar ay si Wanaagsan u socdaan, isla markaana Calanka Somalia hoos loo dhigayo muddo saddex maalmood ah oo caawa ka billaabanaysa, iyadoo lagu maamusayo, laguna Sharfayo marxuumka.

Ugu dambeyn, Jen. Maxamed Cali Samanar oo madaxweyne ku-xigeen, RW-re iyo Wasiirka Difaaca kasoo noqday Xukuumaddii Millatariga ahayd ee Somalia ayaa ku geeriyooday dhawaan Gobolka Virginia ee Dalka Mareykanka, Waxaana la filayaa in dhawaan Aas Qaran loogu sameeyo dalkiisa Hooyo.

Leave a Reply

Be the First to Comment!

Notify of
avatar
wpDiscuz
error: Content is protected !!