Qaraxyo culus oo lagu weeraray xarunta Dambi-baarista Booliiska Somalia CID-da ee Muqdisho

Qaraxyo is-xigay ayaa goor-dhaweyn lagu weeraray xarunta dambi-baarista booliiska Somalia eee CID-da ee Muqdisho, taasoo ku dhaw isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Qaraxyadan oo ahaa kuwo aad u culus, ayaa waxaa laga maqlay inta badan Muqdisho, waxaana ay ahaayeen kuwo loo adeegsaday Gaadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa.

Markii Qaraxyadan ay dhaceen kaddib ayaa waxaa xigay rasaas culus oo ay is-weydaarsanayaan kooxo hubeysan oo xarunta CID-da weeraray iyo ciidankii ku sugnaa xeradaas.

Illaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxyadaan is-xigay, iyadoo xaaladdu ay kacsan tahay, iyadoo qaraxyadan ay noqonayaan kuwii labaad oo Muqdisho ka dhaca muddo toddobaad gudihiisa ah.

Wixii kasoo kordha weerarradan iyo khasaaraha ay geysteen waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Leave a Reply

Be the First to Comment!

Notify of
avatar
wpDiscuz
error: Content is protected !!