Haweeney AFRIKAAN ah oo Markii ugu horeysay Taariikhda Noqonaysa Xog-hayaha Guud ee FIFA

Gudiga Kubadda Cagta ee FIFA ayaa u magacaabay Fatma Samba Diouf Samoura oo u dhalatay Waddanka Senegal in ay noqotay Xoghayaha guud ee Ururkaas.

Fatma Samoura oo muddo 21 sano ah kasoo shaqeysay Qaramada Midoobay, iyadoo hadda ahayd isku-xiraha arrimaha bani’aadamnimada iyo wakiilka UNDP u jooga Nigeria.

Magacaabisteedan ayuu madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino kaga dhawaaqay Kulankii 66-aad ee Xiriirka FIFA, kaasoo lagu qabtay Magaalada Mexico City ee xarunta Wadanka Mexico.

Sida Qaynuunka FIFA yahay, waxaa la hubin doonaa sida ay ugu haboon tahay xilkaasi oo ay sameynayaan guddi madax banaan.

Fatma Samoura, ayaa hawsheedan billaabi doonta bartamaha June. Madaxweyne Infantino, ayaa ammaanay qibradeeda shaqo, isagoo sheegay in qibradeedu ay wax ku kordhindoonta kooxda hoggaanka FIFA.

Ugu dambeyn, Haweeneydan Afrikaanka ah ayaa ku qaadatay Shahaadada Masterka afafka Ingiriiska iyo Spanishka Jaamacadda Lyon iyo xiriirka caalamiga iyo kan ganacsiga waxay ka qaadatay machadka IECS.

Leave a Reply

Be the First to Comment!

Notify of
avatar
wpDiscuz
error: Content is protected !!