SIILAANYO: Somalia waxaan leeyahay u dulqaadan mayno fara-gelinta aad ku haysaan Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Axmed Max’ed Siilaanyo ayaa maanta khudbadiisii sannadlaha ahayd ka hor jeediyay labada gole ee Wakiillada iyo Guurtidda, isagoo khudbadiisa kusoo qaatay qodobo ay ka mid yihiin; siyaasadda arrimaha Dibadda, Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, Diiwan-gelinta iyo Doorashooyinka, Qiime-dhaca ku yimid shilinka Somaliland, adkeynta amniga, maamul-wanaaga, garsoorka iyo cadaaladda.

Khudbaddaan oo noqonaysa tii lixaad ee intii uu talada dalka hayay golaha ka hor Akhriyo ayaa si weyn uga hadlay sicir bararka y qiimo jabka ku yimid Shiling Somaliland.

“Waxaannu dedaal dheer u galnay Taabo-gelinta Magac Wanaajinta iyo madax-bannaanida Somaliland. Muddadii aan qarankan hogaaminayey, waxaa xoogaystay xidhiidhka aynu la leennahay dawladaha dariska, Dalalka Carabta, Midowga Yurub iyo Maraykanka. Waxaad ka wada dharagsan tihiin in golayaasha deegaanka ee Sheffield, Cardiff, & Tower Hamlet, sadexduba u gudbiyeen Raysal Wasaaraha iyo Baarlamaanka ingiriiska mooshin ay kaga dalbanayaan in la aqoonsado Jamhuuriyada Somaliland, talaabadani waa guul aynu Qaran ahaan wada gaadhnay”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Waxaanu yiri. “Waxaa milgo iyo maamuus naga mudan mudanayaashii mashruucaas meel-mariyay iyo jaaliyadaha reer Somaliland ee mudada dheer arintan gacanta weyn ka geystay kana midho-dhaliyay. Xukuumaddeyda waxaa ka go’an inay Beesha Caalamka la yeelato xidhiidh wanaagsan, gaar ahaanna Dalalka aynu saaxiibada iyo dariska nahay ee Ethiopia iyo Jabuuti, xoojinno xidhiidhka wada-shaqayneed, iskana kaashanno adkaynta Nabad-gelyada, La-dagaalanka Budhcad-badeeda, Argagixisada, Dhiiri-gelinta Ganacsiga iyo isu socodka Bulshada”.

Madaxweynaha wuxuu khudbadiisa ku xusay in sanadkan cusub dardar-galinayo dedaalka loogu jiro ictiraaf raadinta, isagoo sheegay in qurbo jooga ku teedsan caalamka u abaabuli doonaan sidii dalalka ay joogaan uga dhaadhicin doonaan ictiraafka.

“Waxaanu abaabulaynaa qurbo-jooga Somaliland ee ku firirsan dunida, kuwaas oo ah xoog dihin oo dalkan u maqan.  Waxaannu qadiyada Somaliland gaarsiin doonaa Maxkamadaha iyo Hay’adaha Gorsoorka Caalamiga ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Sidoo kale, waxa uu cambaareeyey falkii lagula kacay dawladda sucuudiga ee ahaa in la gubo safaaraddii Sucuudiga eek u taalay Iiraan.

“Waxaan halkan ku canbaaraynayaa falkii foosha xumaa ee lagu gubay Safaarada Dalka Sucuudigu ku lahaa dalka iiraan, taas oo ahayd mid ka dhan ah milgaha diblumaasiyadda dunida, kana soo horjeeda Shuruucda Caalamiga ah. Xukuumada Somaliland waxay si adag uga soo horjeedaa xasilooni darida dalka iiraan ka wado mandaqadda Bariga Dhexe iyo Marin Biyoodka Badda Cas. Dawladda Somaliland waxay si buuxda u garab taagan tahay mawqifka ay ka qaateen Dawladaha Jaamacadda Carabtu arrintan,” ayuu yidhi.

Xaga wada hadaladda Somaliland iyo Soomaliya u dhexeeya mar uu ka hadlayey wuxuu yiri. “Waxaanu dardargelinaynaa ambaqaadka wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Si looga gun-gaaro wada hadalada labada dal u dhexeeya, waxaan ku baaqayaa in gogosha la balaadhiyo, dalal laysla gartayna ay goob joog ka noqdaan. Dhinaca kale, waxaannu soo dhaweynaynaa dedaalada Beesha Caalamku ugu jirto sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa, isla markaana dawlad adag loogu dhisi lahaa dabayaaqada sanadka 2016-ka. Hasayeeshee, waxaannu dunida u caddaynaynaa in Somaliland tahay dal madax bannaan oo aan ka mid ahayn maamul goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka”.

Waxaanu hadalkiisa ku daray. “Jamhuuriyadda Somaliland ma meteli karaan shaqsiyaad danaystayaal ah oo Muqdisho laga cugtay. Waa maag iyo meel ka dhac qaawan in magaca qarankayaga loo cimaamado cid aan shicibweynaha Somaliland dooran ama aanay ceelalyo u diran. Ummadda Somaliland waxaa matala oo kaliya, kana mas’uul ah madax ku timi doorasho xor iyo xalaal ah (Xukuumad iyo Baarlamaan). Waxaannu la soconaa in madaxda Dawladda Soomaaliya ay gacanta kula jiraan arrimo ka dhan ah nabadda iyo wadajirka Qarankan. Waxaannu ognahay in ay soo abaabuleen kooxo ay ugu talo-galeen inay khal-khal geliyaan nabadda iyo deganaanshaha Somaliland, isla markaana carqaladeeyaan Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka.

Haddaba, Xaafadi waxay xaafad kale ugu wareegtaa waa xasarad. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa Dalka Somalia inay xil iska saaraan xal u helida dhibaatooyinka hadheeyey dhulkooda. Waxaan leeyahay u dulqaadan mayno farogelinta aad ku haysaan ciidayada iyo calankayaga. Cidina kuma xad gudbi karto xaqa aayo-ka tashiga dadkayga iyo xurmada madax bannaanida dalkayga. Xuquuqda aasaasiga ah iyo Xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland waa lama taabtaan, diyaarna waxaannu u nahay in aannu dhiig u daadino dhulkayaga hooyo.Caqli xumo, colaad sokeeye iyo cadaalad daro, waa wixii Soomaali kala irdheeyey, ee aramida iyo utunta dhex dhigay. Waxaan ahay Oday Soomaaliyeed oo waayo-arag ah. Sidaa darteed, waxaan u arkaa in maslaxadda iyo danta Ummad Weynta Somaliyeed ee ku dhaqan geeska Africa, ay ku jirto in ay ku wada noolaato nabad iyo niyad-sami. Hore ayaa loo yidhi “Belo daaman la qabto ayay leedahay ee dabo la qabto maleh’’. Haddaba, waxaan ka digayaa in dib loo huriyo colaadihii laga soo doogay, dadkana dhibaato la dhex-dhigo.Walaalayaal, mar kale waxaan ku celinayaa kala tagnay ee aan kala turxaan la’aanno. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa ‘’intaanad Geedka iman Baa Gartaada La Naqsadaa’’. Annaga gartayadu way noo cadahay sida cadceeda oo caad nagama saarna, diyaarna waxaannu u nahay gole kasta oo caalami ah oo xaajadayada lagu gorfaynayo.”

Madaxweynaha oo khudbadiisa sii wata waxa uu ka sheekeeyey taariikhdii isku darsanta labadda gobo lee Koonfurta iyo Waqooyiga iyo wakhtigi Somaliland xornimada qaadatay, waxaanu yidhi “waxaannu xasuusinaynaa Dalkii aannu ka go’nay ee Somalia, waddamada Midowga Afrika, Midowga Yurub, Maraykanka, Jaamacada Carabta, Urrurka islaamka iyo dhamaan dalalka ku midoobay Qaramada Midoobay arrimaha hoos ku xusan:-

  1. Somaliland waxay ahayd dal gaar ah, oo xornimadiisii ka qaatay 26-ka Juun, 1960-kii Dawladdii Ingiriiska. Waxaannu ku biirnay lana midawnay 1-dii july dalkii Soomaaliya oo talyaanigu gumaysan jiray.
  2. Shacbiga Somaliland waxay si cad u diideen June, 1961-kii, aftidii loo qaaday dastuurkii cusbaa ee loo sameeyey dalkii lagu midoobay ee la magac baxay jamhuuriyaddii Somalia, oo haatan meesha ka baxday.
  3. Muddo yar ka dib, markii Shacbiga Somaliland Gar-waaqsadeen inay ku Hun-goobeen midnimadii, waxay Saraakiishii ka soo jeeday Gobollada Waqooyi sameeyeen December, 1961-kii inqilaab dhicisoobay, kaasoo ujeedkiisu ahaa inay dib u soo celiyaan Xornimadii Somaliland ee luntay.
  4. Somaliland rubuc qarnigii u danbeeyey kama qayb qaadan shirarkii kala duwanaa ee dib u heshiisiinta Soomaaliya marnaba.

Sidoo kale, kama mid aha Nidaamka Federaalka yegleesha ah ee ay ku midoobeen maamul goboleedyada ka jira Somalia, kuwaas oo saxeexay, isla markaana ogolaaday Heshiisyada iyo Axdiga (Road map)-ka ay ku dhisan tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

  1. Somaliland waxay xornimadeedii la soo noqotay 18-kii May 1991-kii, ka dib markii ay Salaadiinta, Garaadada iyo Wax garadka Beelaha Waqooyi shir isugu yimaadeen Burco go’aan midaysanna ay ku gaadheen in madax bannaanidoodii ay dib ula soo noqdaan.
  2. Shacbiga Somaliland waxay bishii May, 2001-kii kalsooni cod buuxa 97% ku taageereen aftidii loo qaaday dastuurka cusub ee Jamhuriyadda Somaliland iyo Qadiyada Gooni-isu-taaga dalka.

Arimahani waxay daliil cad u yihiin in jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland aanay ahayn wax ku dhisan riyo iyo dhalanteed, balse ay tahay mid ka turjumaysa xaqiiqada dhabta ah iyo go’aanka shacbigani qaatay. Sidaa darteed, waxaa mudan in la ixtiraamo xaqa aayo ka tashiga iyo rabitaanka Shacbiga Somaliland.”

Mar uu ka hadlayey xaga diiwaangelinta iyo doorashooyinka waxa uu yidhi “Sida aad la socotaan waxay xukuumadaydu xaqiijisay taariikhda dalkan markii ugu horaysay, in la sameeyo diiwaan-gelin u gaar ah aqoonsiga & sugida dhalashada muwaadinka Somaliland. diiwaan-gelinta oo ahayd mashruuc Qaran oo culus ma jirin cid naga caawisay gebi ahaan, dhammaan dhaqaalihii ku baxay waxaa bixisay dawladda. Waxaa sharaf ii ah inaan maanta idinku bushaareeyo inaynu ku guuleysanay farsamo ahaan iyo tayo ahaan sidii loo diiwaan gelin lahaa Muwaadiniinta Somaliland 70%.

Diiwaan-gelinta Muwaadinku waa mid ka duwan Diiwaan-gelinta Codbixiyaasha oo waqti kooban loogu talo galay inay socoto, halka diiwaan-gelinta muwaadinku ay si joogto ah u socon doonto. Waxaa hubaal ah in uu taabbo-galay mashruucani tayo ahaan, maadaama uu meesha ka saaray in qof muwaadin ahi laba jeer uu is diiwaan gelin karo.

Dhinaca kale, waxaa bishaan 16-keeda Gobolka Togdheer ka bilaabmaysa diiwaan gelintii Cod-bixiyaasha oo ay Maamulayaan Guddiga Doorashooyinka Somaliland. Waxaana ugu baaqayaa Shicib-weynaha Somaliland inay Dhammaan ka Qayb-qaataan Diiwaan-gelinta Codbixiyaasha, iyada oo tii horena la bar bar wadi doono si loo qabyo tiro.

Waxaan ahay maanta madaxweyne aan murashax ahayn, inta ka hadhay xilka aan haynayo, waxaa iga go’an:

  • Inaan dalkan u horseedo horumar, haybadiisana aan kor u qaado.
    • Inaan ka tago dhaxal aan duugoobin iyo dhito aan go’in.
    • Inaan suurto geliyo Doorasho Xor iyo Xalaal ah, taas oo ku qabsoonta xiligii loogu talo galay eebe idamkii.
    • Waxaan Guddida Doorashooyinka Qaranka kula dardaarmayaa in ay xilka culus ee ay hayaan u gutaan si dedaal iyo daacadnimo leh, isla markaana dhex u noqdaan musharixiinta.

Sidoo kalena, waxaan ku boorinayaa Madaxda Xisbiyada Qaranka, gaar ahaan ragga hunguriga ka qaba hoggaaminta dalka in ay muujiyaan bisayl siyaasadeed iyo tartan aan turxaan lahayn.”

Mar kale isagoo ka hadlaya qiimaha dhaca ku yimid Shiling Somaliland waxa uu yidh “Dalkasta oo dunida ku yaal wuxuu leeyahay calan iyo cumlad u gaar ah. Lacagta Qarankani uu leeyahay waa Shillinka Somaliland. Waxaa hubaal ah in lacagteenii uu ku yimi qiimo dhac, ka dib markii ay suuqa iyo seyladda ganacsiga ku cidhiidhyeen lacago qalaadi. Taasi waxay keentay in lacagteenii ay soo ururto isticmaalkeedu. Haddaba, si aynu uga badbaadno dhibaatooyin siyaasadeed, dhaqaale iyo lacagteena oo sii qiima beesha. Waxaa xukuumadayda ka go’an in ay xaqiijiso arrimahan:

  1. Waxaannu suurto gelinaynaa in lacagta Shillinka Somaliland noqoto cumlada rasmiga ah ee wax lagu kala iibsado. Waxaa waajib ah in bulshadu wax ku kala iibsato ama wax isku weydaarsato lacagteena, dhamaan goobaha ganacsiga sida hoteellada, dugsiyada, suuqyada kala duduwan, Seyladaha Xoolaha iyo wixii la mida.
  2. Waxaa bar-tilmaameed inoo ah in Qiimaha sarifka Doollarka ee Shillinka Somaliland la gaadhsiiyo 6,000 oo Shillin.
  3. Waxaannu Xoojinaynaa, isla markaana dar-dar-gelinaynaa Awoodaha Baanka Dhexe ee Qaranka, si uu u xakameeyo sicir bararka iyo sarifka lacagaha.
  4. Waxaannu ku gudo jirnaa diyaarinta iyo daah-furka daraasad qoto-dheer oo lagu xaqiijin doono in adeegyada ZAAD-KA iyo E-Dahabka ee ku shaqeeya lacagta Doollar-ka ay qayb ka yihiin qiimo dhaca Shillinka Somaliland.
  5. Sidoo kale, Waxaa daraasaddaa lagu gun-gaadhi doonaa in lacagta Sarifka Shillinka SL ee gacanta u gashay ganacsatada waaweyn ee bangiyada, xawaaladaha iyo jaad-walayaasha ay saamayn ku leeyihiin ama qayb ka yihiin Qiime-dhaca Shillinka Somaliland. Arimahan aan kor ku soo sheegnay haddii cilmi-baadhistaasi si dhab ah u xaqiijiso, Waxaana lagama maarmaan ah in aanu go’aamo adag ka qaadano si loo helo xal waara.
  6. Waxaanu shirkadaha iyo shicbi-weynaha Somaliland ku dhiirri-galinaynaa in ay lacagta dalkooda ku isticmaalaan adeegyada casriga ah ee Zaadka iyo E-dahabka.
  7. Waxaannu dhiiri gelinaynaa in dalka ay yimaadaan Maal-gashadayaal, Shirkado Ganacsi iyo Bangiyo Caalami ah, si dhaqaaleheenu u kobco.
  8. Si aynu u helno lacag adag oo dalka kusoo noqota, isla markaana loo yareeyo alaabta la inoo soo dhoofiyo, waxaan ku dhiiri-gelinayaa shacbigayga in ay xooga saaraan Wax Soo Saarka, Dalaga Beeraha, Shaqa Abuurka, Xoolaha Nool, Beeyada, Kalluunka iyo wixii la mid ah, kuwaas oo ah khayraad alle inagu manaystay bad iyo berrina dhulkeena buuxiyey.
  9. Waxaan shacabka Somaliland u damaanad-qaadayaa inaanay is dhex-geli doonin hantida Qaranka keyd ka u ah ee bangiga dhexe ka mas’uulka yahay, iyo hantida ay xukuumadaydu isticmaasho.

Arrintani waxay ka hortag iyo xal-waara u tahay inaanay suuqyada hafin lacag dheeraad ku ah shilinka Somaliland taasoo aan dawlada daqli ahaan u soo gelin ama aanay xoogsan.”

Sidoo kale, Wuxuu madaxweynuhu ka hadlay adkeynta Amniga iyo maamul daadejinta iyo arrimaha garsoorka oo uu ku nuux nuuxsaday.

Leave a Reply

Be the First to Comment!

Notify of
avatar
wpDiscuz
error: Content is protected !!