Madaxweyne Obama oo Khudbadiisii ugu dambeesay ka hor jeediyay Kongareeska Maraykanka

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Brack Obama ayaa xalay khudbadiisii ugu danbeysay waxa uu kasoo hor jeediyey Kongareeska Maraykanka, waxa uuna kaga hadlay waxyaabihii u qabsoomay iyo guulihii uu gaaray intii uu Madxaweynaha ahaa .

Obama oo hortaagan xubnaha congress-ka Mareykanka, ayaa u muquday nin degan, oo niyadsan, wuxuuna tusmeeyey baahida loo qabo in Mareykanka uu ka bogsoodo siyaaasadda sida qotoada dheer u kala qeybisay Mareykanka.

Obama waxa uu sidoo kale mararka qaar si aad ah u dhaleeceynayey xubnaha Jamhuuriga ee u baratamaya sidii ay isaga ugala wareegi lahaayeen xafiiska.

Waxa uu si gaar ah u dhaliilay “Siyaasadda dadka ku beegsatay sababo la xiriira jinsigooda iyo diintooda”, hadalkaas oo loo arkay inuu ku weeraray Donald Trump oo doonaya in muslimiinta laga mamnuuco Mareykanka.

“Marka siyaasiyiintu ay aflagaadeeyaan muslimiinta, marka masaajidada la weeraro, ama ciyaalka la harowsado, taasi nagama dhigeyso ammaan, waana qalad” Ayuu yiri madaxweyne Obama.

Obama waxa uu sidoo kale kuwa isaga kasoo horjeeda ku weeraray arrimaha dhaqaalaha, isaga oo leh “Qof kasta oo ku doodaya in dhaqaalaha Mareykanka uu hoos u dhacayo, waa qof ku sugan xaalad qiyaaali ah”.

Isaga oo ka hadlayey arrimaha dibedda, Obama waxa uu qiray halista kooxaha argagixisada ah, sida Daacish oo caalamka ka fulisay weeraro badan oo dhimasho leh. Hase yeeshee waxa uu sheegay in xagjiriinta Islaamiga ah aysan halis ku ahayn jiritaanka caalamka, isaga oo u digay kuwa ornaya in dagaalkii saddexaad ee dunida uu soo socdo.

Obama ayaa xafiiska ka tagaya bisha January ee 2017, ayada oo Mareykanka uu dooranayo madaxweyne cusub bisha November ee 2016.

Leave a Reply

Be the First to Comment!

Notify of
avatar
wpDiscuz
error: Content is protected !!