Wasaaradda Maaliyada Jubaland oo xarun cusub u guurtay

Wasaaradda maaliyadda dowladda Jubaland ayaa u guurtay xarunta bankigii hore ee ganacsiga halkaasoo dowladda jubaland oo kaashanayeesa hay’ado ay ku sameysay dayactir.

Bankigan ganacsiga ayaa loo dhisay hab casri ah, iyadoo loo dhameystiray dhammaan adeegyadii xafiisyada ee ay ku shaqeyn lahayd wasaaradda maaliyadda.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay xafiiskan ay maanta degeen, isagoo sheegay in ay tahay talaabo horuar leh oo la gaaray.

Dhinaca kale, wasiirka maaliyadda ayaa 7 qof oo xafiis ah iyo qalabkooda ku wareejiyay baarlamanka Jubaland, munaasibad kooban oo ka dhacday xarunta Caymiska oo ay kasoo qeybgaleen madax ka tirsan dowladda Jubaland ayuu wasirku ku wareejiyay xafiisyadaasi.

Leave a Reply

Be the First to Comment!

Notify of
avatar
wpDiscuz
error: Content is protected !!