Deymo Taariikh: Deegaanka Jubaland 100 sano kahor ( Muxuu ka qoray Jubaland I. N. Dracopoli ) – Written by PP – Edited by PP

Through Jubaland to the Lorain Swamp” 1914, Waa buug uu qoray I. N. Dracopoli oo ah nin ingriiska u dhashay, waana aqoon yahay ka tirsana The Royal Geography Society ee UK. Wuxuu sahan dhinaca dhulka ku kala bixiyey innta u dhaxaysa Kismaayo (magaalo madaxda Jubaland) ilaa waraha loo yaqaan Lorian Swamp ee Kenya.

Ujeedada socdaalkiisu waa sahmiyo, baaro, qoraal ka sammeyo dadka, dhulka, dhaqanka iyo nolosha. Wuxuu culeys badan saaray duurjoogtada iyo meelaha ay ku badan tahay, biyaha iyo dhirta.

The Imperial British East Africa Company, oo ahayd shirkad ganacsi ayaa ogolaasho ku heshay inay maamusho Jubaland sanadkii 1891, saldhigeeduna ahaa Kismaayo. 1 da Bishii Juulay 1895 ayey Wasaaradda Arimaha Dibedda kala wareegtay shirkadda ganacsi maamulki Jubaland.

Sanadkii 1925 bisha Juulaay ayey dowladda UK ku wareejisay Jubaland iyo Kismaayo (33,000 sq miles) maamulkii Talyaaniga.

Halkaan waxaa lagu soo bandhigayaa qaybo yar yare e buugaas, sababtoo ah aad uu weyn yahay:
Qoraaga Buuga “Through Jubaland to the Lorian Swamp”, wuxuu tilmaamay:

Inay Jubaland tahay dhul aan horey loo sahmin. Dadkeedu waxay u nool yihiin qaab nololeedkii aabayaashod ee qarniyo tegay. Duurjoogtadu waxay si nabad ugu nool yihiin dhul-daaqsimeed deggan ama harsadaan dhirta hoosteeda iyadoon la dhibin. Hase yeeshee xaaladdu sidaas kuma waarayso. Dhowr sano kadib wax kasta waxaa ku dhici isbedel, Jubaland waxay noqon mid aan la aqoonsan.

Baalasha buuga ee soo socda waxaan isku dayey inaan qoro dareenkayga ku aadan nolosha iyo dhaqanka dadka iyo xoolaha duurjoogaah, kar hor inta aysan soomaalida iyo boorantu aysan ilbixin oo aan duurjoogtada la cayrin, dabadeedna aan la ciribtirin(p.7).

Intaan sodaalka ku jirey waxaan muhimad gaar ah siiyey qaabka dhulka (geography), dadka iyo taariikhda dabiiciga ee dhulka aan maray. Ujeedadu waxay tahay inay waxaan la kulamay ay aqoon kordhiso.

Jubaland waxaa dhinaca bari sohdin u ah Webiga Jubba(Juba River),oo dhinaca kale uu Talyanigu maamulo (Italian Somaliland), dhinaca koonfur-waqooyi waxaa ka xigga Badweynta Hindiya (the Indian Ocean), dhinaca koonfureed sohdin aan dhab aheyn (imaginary line) oo laga bilabay Waraha Jorian (the Lorian Swamp, Kenya) ilaa deegaanka Bajun ee Kiunga oo xeebta saran. Gobolka Tanaland ayaa koonfur uga toosan sohdintaas.Sohdinta jubaland ee galbeed waa dhulka Borantu degto ee koonfur Etiopia”. Inkastoo aan sahano waaweyn aan lagu sameyn qaybta waqooyi ee Jubaland, howlo badan waxaa ka qabtay saraakiisha ciidanka King’s African Rifles(KAR)iyo xubno maamulka ka tirsana.(pp18-19)

Hadaba si loogu helo xal dhibaatada iyo in sidi suuragal ah loo hello aqoonta dalka u dhexeeya Warta Lorian iyo Badweynta Hindia(Indian Ocean) aniga (Dracopoli) ayaa fuliyey socdaalka aan ka warbixinayo. Hase yeeshee,waxaa talo ah in la qeexo inta ay leeg yihiin howluhu, …………..”(p.20)

Waxaan imid Mombasa bishi Oktoobar 1912,durbana waxaan u gudbay Nairobi si aan ula kulmo maamulka iyo in aan helo ogolaasho socdaalka Jubaland. Waxaan gacan naxariis leh ka helay Dhamme Salked, Guddoomiyaha Gobolka Jubaland(the Provincial Commissioner) kaaso markaas Nairobi ku sugnaa. Waxan howlgeliyey madaxa shaqaalha, Dahir Omar, iyo turjubaan ka yimid Somaliland, suuqanaha waxaan ka helay wiil Akamba ah oo adeega ah, cuntokarie iyo qori-xambaar.
Waxaan gaaray magaalada Mombasa,agabkii, saadki iyo kooxdi waxaan saarnay doonta Wiesman, taaso ka shiraacatay Mombasa(P 27).

Doonta Wiesman oo ay leedahay shirkad Hindi ah waxay ka timid dhinaca Zanzibar, waxayna ku socotaa waqooyi. Waxay ku hakan doontaa magaalooyinka Malindi, Lamu, Kismayu, Brava iyo Mogadishu(p.28)

Qeyb kasta ee khanka hoose ee doonta waxaa buuxshay masaafuriin deegaanka ah;indhaha ka daboolan, waxay ku fideen gees walba,ayna noqotay suuragal la’aan in la dhexmaro; waxaa kamid ah soomaaliku noqonaysa dalkooda, askar safar u ah Sarrenley, Bajuun and Swahili u socda Kismayu ama Lamu, Kikuyu shaqo doon ah ee u socota beeraha rabarka (rubber plantations)ee Tana hoose, dhamaana isku urursan si kala sooc lahayn, waxaase ka xoogbatay daalka iyo hurdada. Waxaa la dareemaya urka badeecadda iyo hargaha, … … …(P.29).

KISMAYU AND THE JUBA RIVER

Waxaan baroosinka dhiganay in xeebta Kismaayo u jirta mile iyo badh ; Doonti waxaa hareereyey sactaro yaryar ay ka buuxaan dad deegaanka ah oo carab, Soomaali ama Bajun ah. Qaarkood waxay dejinayaa badeeco, qaarna waxay ku rarayaan doonta badeeco cusub ; Kuwa kale waxay u yimaadeen inay soo dhaweeyaan saaxiibadood. Si kastaba ha ahaatee waxay ahayd muuqaal wacan oo xiiso leh, marka la eego cadceeda kulul, badda bluuga, hirarka xeebta ku rogmnaya, iyo aqalada iyo dadka soo xoomay. Waa xadaarad aan la bedelin, dhar iyo toobab midabo badan oo dhamaan samaynaya sawir bilic leh.

Magaalada Kismaayo Dadka cadaanka ah ee Kismaayo degan waxay ka kooban yihiin: Guddoomiyayaasha Gobolka iyo degmada iyo xaasaska,dhakhtarka, iyo taliyaha booliska ee Jubaland police. Todobaadka aan safarka u diyaar noqonayey waxaan la degan Guddoomiyaha degmada, Mudane K. R. Dundas, soodhaweyn dhab ah ayuu ii fidiyey. Waxaa intaas dheer inu i tuso waxkasta oo muhiim agagaarka magalada iyo inu i diyaar ii dhigay awr aan u dhaqdhaqaaqo.

Kismaayo ma ahan oo kaliya magalo madaxda Jubaland, balse waa xarunta dowladda. Muhiimakeeda waxay ku heshay iyadoo ah meesha kaliya ee sugan, kuna taal wadada u dhaxeysa Mogadishu iyo Lamu, dhammaan badeecada u socota Giamame iyo koonfurta soomaaliya ee Talyaanigu xukumo waxay martaa dekeddada.

Waxaa degan dad lagu qiyaaso 4000, una badan Soomaali, carab, Baujun iyo xooga ganacsato hindi ah. Marka laga reebo xafiiska canshuuraha iyo dhowr dhismo oo dhagax oo ay madaxdu degan tahay,magaaladu waxay ka kooban tahay aqalo carshaan ah oo wadooyinka ku taxan, kuna dhamaada barxad yar oo ku yaaliin xafiiska maaliyadda, maxkamadda,iyo xafiiska Guddoomiyaha Gobolka. Waxaa kaloo ku yaal gole dhinacyada ka furan oo kullamadda u dhexeeya caaqilada iyo madaxda lagu qabto.

Qof ayey dowladddu ku shaqaaleysay oo mushaarkiisu bishi yahay 15 rubi(rupees)inuu qaxwe lacag la’aan ah siiyo qof kasta, darajo kasta ha lahaadee iyo waxyaabo macaan maalmaha ciidaha.

Magaalada Kismaayo, oo magaceedu ka soo jeedo erayada ” Kisima cha yuu,” macnaheedu yahay “Ceel sare” (Upper Well) waxaa assaasay Abdul Malik bin Muriani sanadkii 77-aad ee Hejriya (694 a.d.)

Waa isla xilligii la assasay magaalooyinka Moudisho, Brawe, iyo Malinidi ( eeg buuga, 41 “The Land Of Zinj” uu qoray Captain Stigand.

Abdul Malik wuxuu ka dhigay ragii la socday guddoomiyayaal magalloyinka isagu wuxuu noqday suldaan( cutubka 3,p.38)

Dhaca Galtida (Galti depredations)

In yar kadib imaatinka Kismaayo waxaan ka warhelay inaan ka fursanaeyn inaan dibedda uga baxo Kismaayo si aan u helo awr, sababto ah dhammaan awrti la heli karay waxaa qaatay maamulka, si sahay loogu geeyo Sarrinley halkaas oo xarun milatari ah oo ku taal xagga sare ee wabiga Jubba (Juba River). Saldhigaas waxaa jooga 800 nin oo ka tirsan ciidanka “The King’s African Rifles”, iyo 11 sarkaal oo cadaan ah. Howsha cidanku waa inay ilaaliyaan xadka Waqooyi-bari ee Jubaland. Taas waxaa lama huraan ka dhigay deganaansho la’aanta reer marehaan ah (the Galti tribe of the Marehan Somali), kuwaaso mar dambe soo gallay degaanka dowladda Ingriiska (British territory), kana soo qaxay koonfurta Soomaaliya. Kooxo weerar ah (in kastoo soomaalidu ka siman tahay)ayaa u geystey dhib badan reero ay saaxiibo yihiin, kuwaas oo dowladda ka dalbaday kaalmo. Codsigaas jawaabtiisu ayaa noqotay in ilaalo loo diro si loo soo celiyo sharciga, lana joojiyo dhaca lo’da.

Joogitaanka ciidan yar wuu hakiyey weerarada ilaa xad, hase yeeshee arintu waa dhaqan soomaaliyeed, oo haddii Galti aan la siin cashar adag durba dib ayey u bilaabayaan dhaca iyo boobka si xawli markii ciidanku dib u laabto.

Markaan arkay sida ay arintu tahay, waxaan go’aansaday inaan aado Jamaame( Giumbo) si aan u helo ogolaasho aan ku soo iibsado awr dhinaca Talyaanigu maamulo; Awr ayaan fuulnay aniga iyo Mudane Dundas. Habeenka waxaan marti u noqonay Lieutenant Phillips, oo madax u ahaa koox yar oo awrayaal ah (Camel Corps) Goobweyn afka soomaaliga waa “a large plain,” waxay ku taal webiga Jubba qarkiisa (p.45).

Qaybaha soomalidda Jubaland iyo sidda uu u qoray

Qabiilada hadda wax ka joogaan Jubaland: Mareexaan waxaa la sheegay inay ka soo jeedaan Ciise, Ogadeen iyo Harti waa Kablalax Daarood, labaduba waa wiilasha Daarood Jeberti.

Mareexaan waxay u sii qaybsamaan saddex reer Hassan,reer Isaaq iyo Galti(newcomers). Waxaa laga joogaa lix sanno oo kaliya inata ay reerka dambe soo galeen dhulka Jubaland. Waxay leeyihiin tiro fardo ah iyo awr, laakiin loddu waa ku yar tahay. Waxay degaan dhulka inta u dhaxeysa Dolow iyo Sarrenley,haddana waxay dowladda ku hayaan dhib, sidaan horey ugu tilmaamay cutubki hore. Tiraddodu waxaa lagu qiyaasay ilaa 5000.

Agagaarka dhow ee Kismaayo iyo koonfurta fog ee Biskayia, waa Harti. Caaqilkooda guud waa Mohammed Shirwa, hase yeeshee weli waa dhallinyaro. Arimaha qabiilka waxay gacanta ugu jirtaa Mohammed Aden. Harti waxay u qaybasan yihiin saddex jilib/reer oo muhiim ah— Dhulbahante, Warsengeli iyo Majerteen. Kuwa hore waxay weli degan yihiin bariga Juba(Dhulbahante). Waxaa kaloo jira xoogaa Warsengeli ah ee degan Waqooyi (British territory).

Majerteenku  si xooga ah ayey u joogaan,qiyaas ahaan 3000 ayaa degan dhulka u dhexeeya Goobwein and Port Durnford (Burekavo). Harti, waa ganacsato iyo lo’ dhaqato, waxayna isku koobeen xeebta, halkaasoo ay xidhiidh dhow la leeyihiin carabta. Waxana ka mid yihiin dadkii ugu horeeyey ee ogolaaday xukunka Igriiska.

Harti way ka duwan yihiin reer miyiga gudaha degan. Hadii la eego Waayo-aragnimadooda shakhsiyeed , kuwa kale fikrad i raali gelisa kama helin kuwaan kula kulmay Jubaland. Waa dad hunguri-weyn oo lacag jecel. Waa laga yaabaa inay soomaalidu ka siman tahay, laakiin toodu waa xad-dhaaf; Waxaa dhaqan-xumeeyey oo saameeyey sida ay markasta xidhiidhga ula leeyihiin European-ka. Sidaas ayey ku yeesheen labo habdhaqameed.

Waxaa Hartiga ka duwan soomaalida  howdka juba, kuwaas oo ay Ogadeen inta badan yihiin. Reerka ugu waaweyn waa Mohammed Zubbeir, Aulyehan, Abdulla, Abd Wak iyo Maghabul. Waxaa kaloo tiro yar ah Reer Mohammed (Talamoge) iyo Habar Suleiman. Reer Abdille waxay degaan dhulka koonfur-galbeed ilaa webiga Tana(Tana River). Dhinaca galbeedka waxaa ka xigga reer Abd Wak iyo reer Mohammed, oo loo yaqaan Tolomoge.

Mohammed Zubeir oo xaruntoodu tahay Wajeer iyo Tolomoge waxaa ka dhexeeya colaad joogta ah. Inyar kadib markaan gaadhay Melka Waja, Mohammed Zubbeir, oo uu hogaaminao Caqil Ahmed Magan, waxay guul-darro weyn u geysteen Tolomoge, dagaal 36 saac socday, oo dhimasho badan lahaa .

Kuwii guuleystay (Mohammed Zubbeir)waxay ku soo noqdeen dhinaca waqooyi iyagoo soo helay afar boqol oo lo’ ah.(p.139)

Leave a Reply

Be the First to Comment!

Notify of
avatar
wpDiscuz
error: Content is protected !!