Qaramada Midoobay oo mar kale kordhisay muddada cunnoqabateynta hubka Soomaaliya

Qaramada Midoobay ayaa kordhisay muddada cunno-qabteynta hubka ee saaraan Somalia, kaddib shir Golaha Amaanka ee QM ay ku yeesheen xaruntooda magaalada New York.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa shaaciyay in muddo hal sano ah lagu kordhiyay muddada cunno-qabteynta hubka Somalia, iyadoo xilligaasna uu ku eg-yahay bisha November ee sannadka2016-ka.

Muddo kordhintan cunno-qabteynta hubka Somalia ayaa waxaa u codeeyay 14 ka mid ah waddada xubnaha ka ah golaha ammaanka, iyadoo uu ka aamusay waddada Venezuela.

Sidoo kale, xubnaha golaha amamanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay muddada shaqo u kordhiyeen guddiga kormeerka cunno-qabteynta hubka ee dalalka Somaila iyo Eritrea, iyadoo guddigu shaqeynayso illaa 15-ka December 2016-ka.

Dhanka kale, Golaha Amaanka ee QM ayaa walaac ka muujjiyay xaaladda musuqmaasuqa ee ka jirta Somalia, iyagoo sheegay inay sii kordhayso waxisdabamarinta, lunsashada hantida Qaranka iyo musuqmaasuqa.

Goluhu wuxuu ku godiyay in shaqsiyaadka faraha kula jira falalka ka horimaanaya amniga iyo deggenaashaha Somalia lagu soo rogi doono xannibaado kala duwan, inkastoo aan la sheegin noocooda.

Ugu dambeyn, guddiga kormeerka Qaramada Midoobay ee la socodka hubka Somalia iyo Eritrea ayaa soo saaray  dhawaan warbixin ay kaga hadleen xaaladaha ka jira Somalia sida musuq-maasuqa iyo waxisdabamarinta.

Leave a Reply

Be the First to Comment!

Notify of
avatar
wpDiscuz
error: Content is protected !!