Baarlamanka Jubbaland oo waqtiga u kordhiyay xilliga uu madaxweeynaha kusoo dhisayo wasiirada

Fadhiga ay maanta isugu yimaadeen mudaneyaasha baarlamanka Jubaland ayaa waxa ay cod ugu qaadayeen in waqti kordhin loo sameeyo madaxweeynaha Jubaland kadib markii uu ka dhamaaday waqtigii laga doonayay in uu kusoo dhiso golahiisa wasiirada.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Caymiska ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo xaadiray 59 xildhibaan, waxaana la gudo galay ka doodista waqti u kordhinta loo sameeynayo madaxweeynaha.
Dood dheer kadib ayaa waxaa cod loo qaaday in mudo laba bilood oo dheeri ah loogu daro madaxweeynaha si uu ugu soo dhiso golihiisa wasiirada.

54 xildhibaan ayaa u codeeysay in laba bilood loogu daro madaxweeynaha, halka sedex xildhibaan ay ka aamuseen, iyadoo laba kalena ay diideen.

Gudoomiye kuxigeenka sedexaad ee baarlamanka Jubbaland Mudane Aadan Khaliif ayaa ku dhawaaqay natiijada codka, isagoo sheegay in baarlamanku isku raacay in mudo laba bilood ah loogu daro Madaxweeynaha si uu ugu soo dhiso golihiisa wasiirada.

Waa markii labaad oo baarlamanka Jubbaland ay waqti kordhin u sameeyeen madaxweeynaha si uu ugu soo dhiso golaha wasiirada.

Madaxweeynaha ayaa mudooyinkii u danbeeyay waday tashiyo kala duwan oo uu la yeelanayay siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada ku dhaqan deegaanada Jubooyinka, kuwaa oo ku aadana dhismaha golaha wasiirada cusub ee Jubbaland.

Leave a Reply

Be the First to Comment!

Notify of
avatar
wpDiscuz
error: Content is protected !!