AF-SOOMAALI

14 kamid ah guddoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir oo caawa xilalkii laga qaaday


Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa xilalkii looga qaaday 14 guddoomiye degmo, waxaana la magacaabay guddoomiyaal cusub.

Guddoomiyaasha la magacaabay ayaa waxaa kamid ah wariye iyo haween tira ahaan gaaray shan, kuwaas oo aan horay loogu arkin maamulayaashii degmooyinka gobolka Banaadir.

Maamulayaasha cusub ee la magacaabay ayaa waxaa ay u badanyihiin kuwo ku cusub saaxada siyaasada.

Guddoomiyaasha degmooyinka Kaxda, Hiliwaa iyo Dharkeynley ayaa kusoo noqday booskooda, halka saaxiibadooda kale ay xilalkoodii ay waayeen.

C/Kariin Cali Kaar, oo ahaa wariye caan ah ayaa waxaa markii ugu horreysay loo magacaabay guddoomiyaha degmadda Howlwadaag.

Guddoomiyaasha haweenka ah ee la magacaabay, ayaa waxaa ay kala yihiin Seynab Maxamuud Warasame oo loo magacaabay degmadda Wartanabada, Rowdo Cabdullahi oo loo magacaabay degmadda Waaberi, Basmo Cumar Axmed oo loo magacaabay degmadda Shangaani Safiya Sheekh oo loo magacaabay degmaadda Shibis iyo Seynab wehliya oo loo magacaabay degmadda Boondheere.

Magacyada gudoomiyeyaasha la magacaabay:

Degmada C/casiis Sharmaarke Maxamed ladane

Degmada Kaaraan C/Fataax Nuur Cali Yaanyo

Degmada Shibis Safiyo sheekh Cali jimcaale

Degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Maxamuud

Degmada Howlwadaag C/Kariin Cali Kaar

Degmada Hodan Maxamed Cantoobo

Degnada Dayniile C/Weli Nuur Faarax

Degmada Wadajir Cumer Cabdullahi Xasan

Degmada Dharkeynley C/raxmaan Siid cali

Degmada Shangaani Basmo Cumar Axmed

Degmada xamerweyne Cumar Shariif Maye

Degnada Xamerjajab C/Wali Cabdullahi Maxamed

Degmada Waabari Rowdo Cabdullahi

Degmada Boondheere Seynab Yusuf Wehliye

Degmada Warta Nabada Seynab Maxamuud Warasame.